Waad ku mahadsantahay booqashadaada Websaaytka Jaaliyada Soomaalida ee Bareeda . Waxaana laga yaaba in ay tahay markii ugu horaysay ee aad soo booqato websaaytka Jaaliyada.

Cinwaaankeena shabadaka internet-ka waa  www.somsb.org, waxaana ugu talagalnay anagoo ka faiideysanayna fursadaha tiknoolajiyada shabakada internet-ka in aan ku kobcino danaha  jaaliyada Soomaalida magaalada Bareeda iyo nawaaxigeeda .

Soomaali badan ayaa ku nool wadanka Nederland iyagoo ku kala nool magaalooyin iyo gobol kala gedisan ee wadanka Nederland. Waxaan soo dhawaynaynaa marka hore in Jaaliyada Soomaalida Bareeda ka faaiideysato fursadaan khaaliga ah ee ay nagula soo xiriiri karaan kagana qaybqaadan karaan sidii loo horumarin lahaa danaha jaaliyada dhinacyo kala gedisan. sida

  • Geedi socodka nolosha qaybaheeda kala gedisan
  • Dhaqaka iyo diinta
  • Horumarinta luqada afka Soomaaliga
  • Isdhexgalka bulshooyinka Nederland si isku dheelitiran
  • Waxbarashada iyo shaqada
  • Arrimaha Shaqada
  • Isboortiga
  • Arrimaha qoyska
  • Koriinshaha carruurtta
  • Arrimaha dhalinyarada us
  • Arrimaha caafimaadka

 

Waxaan soo dhawaynaynaa fikradihiina wax ku oolka ah,  Jaaliyada waa iskaashato, iskaashi la’aantiisna jaaliyada ma jiri karto.

 

Jaaliyada Soomaalida Bareeda

www.somsb.org