Talaalka Koroonaha oo shirkada Nederlandees ah bilowday tijaabadiisa

Khamiis: 02/09/2020: Sida lagu faafiyey warbaahinta Nederland waxaa shirkad la yiraa Janssen Vaccines  oo fadhigeedu yahay magalada Leiden ee wadanka Nederland in ay bilowday tijaabinta talaalka Koroonaha oo horay loo hirgelin tijaabadii ugu horeysay ebedna ah.

Shirkadaan oo ka tirsan shirkada weeyn ee daawada samayso ee la yiraa  Johnson & Johnson  oo horey dhaqaale badan ka heshay Gates Foundation. Taasoo keenaysa in shaki yimaado maadaama Bill Gates uu u ololeeyo talaalka isagoon dhakhtar iyo saynisyahan midna ahayn laguna xanto in uu dano gaar ah ka leeyahay sida uu marar badan isagaba sheegay sida sadaalinta cudur dilaa ah oo dad illaa 10 malyuun dili doono sida uu ku sheegay mar uu ka hadlaayey TEdTalk.

Shirkada Janssen Vaccine ayaa u soo bandhigtay dadka ay rabto in ay ku taajiso talaalka cusub in ay siin doonto inay ka bixiso kharashka gaadiidka iyo 4700 Yuuro ah. Lacagtaan ay shirkada bixinayso ayaa lagu sheegay in ay tahay karfantaada oo hormaris ah haddii iimaha iyo aafooyinka uu leeyahay ee ka imaan karo talaalka uu kugu dhacaan.

Magaalooyinka Nederland ee laga hirgalin doono ama ay hadaba ka socoto tijabada talaalka ayaa kala ah  Groningen, Leiden and Utrecht oo ay shirkada sheegtay run iyo been in dad badan is diiwaangeliyeen oo saf loogu jiro inkastoo wax cadayn ah soo bandhigin.

 

Iinta ay shirkada sheegtay in dadka lagu tijaabinaayo talaalka ay yihiin madax xunuun, daal iyo caalamadaha hargabka loo yaqaan {Griep flu ]. Intaas waxay ku dartay in calaamadaha talaalka uu ahaan doono mid  dhexe ama [Mild], iyadoo horay aan bani aadam loogu tijaabin taasoo keenaysa shaki.

Talaalka waa mid lagu daaweeyo ama lagu xoojiyo caabiga jirka dadka waayeelka, caruurta iyo dadka cuduro kala gedisan qaba oo daawooyin kala gedisan qaata. Daawooyinkaas oo keena in qofka caabiga jirkiisa wiiqmo.

Talaalka inta la ogyahay ee la isku raacay wuxuu qaataa mudo dheer si loo oggaado waxtarkiisa iyo tayadiisa illaa 4 illaa 10 sanno. Waxaa shaki weeyn keenaya in dowlada iyo hay adaha ay u xilsaartay in talo khubareed ka bixiso oo dhamaantood isku raacay in xalka uu ku jiro in la helo talaal.  Shicibkana lagu xanibo iyadoo talaalka uusan xal noqon karin maadaama aan horay loo arag cudurka fayraskaan keena oo qaybo badan leh caradaasna ka badan. Marka Fayraska cudurka kee la samaynayaa talaalkiisa waa mid mudan in lays weydiiyo, waxaa kaloo iyadana meesha aan ka maqnayn shirkada daawada sameeya oo gaar loo leeyahay ay ku milmeen hay adaha dowlada iyo dowlada laftigeeda taasoo keenay waxaa loo yaqaan conflict of interest ama Nederlandeeksa lagu yiraa Belangenverstengeling]

Wixii ka danbeeyey bandowgii dowlada ay ku soo rogtay Nederland ka gadaal dilaacii cudurka koroonaha si nafta caafimaadka iyo nabadgelyada dadka loo dhowro ayaa waxaa isa soo taraayo in cudurka sidii loo mooday uu san ahayn oo uusan waxba dhaamin hargabka, laakiin uu asiibay dadka waayeelka oo cimrigooda weynyahay oo caabiga jirkoodana uu is dhimay cuduro kala duwana horay u qabay taasoo keentay in uu saameeyn weeyn ku yeeshay. Illaa iyo hadda waxaa sii kordhay maalin kasta is khilaafka culumada ku xeeldheer arrimaha cudurda fida iyo go’aanka ay dowlada Nederland qaadatay iyo saameeynta uu ku yeesha nolosha, dhaqaalaha iyo in dhamaan daryeelkii caafimaadka oo dhanoo  loo xiray si loola tacaalo cudurka koroonaha.

Waxay dad badan qabaan doodo ka dhacay warbaahinta xorta ah iyo kuwa gaarka loo leeyayahay in  bandowga uu sababay geerida dad badan oo daryeelkii caafimaadka oo loo xanibay la tacaalka koroonaha sababay. Dadna waxay qabaan marka la is barbardhigo inta uu geeriyootay cudurka koroonaha iyo inta uu bandhowga ku dhimatay ay badantahay inta bandowga sababay in ay naftooda u waayeen taasoo dood badan ka taagantahay.

Waxaa kaloo sii kordhay shakiga ay  dadka ka qabaan shuruucda dowlada ay soo rogtay ee  ku aadan ka hortaga cudurka Koroonaha sida af xiradka iyo in masaafo la isu jirsado taasoo culumo badan sheegtay in aysan cilmiga sayniska aan la waafajin karin oo ay tahay mid lagu wiiqayo xuquuqda shicibka Nederland tahayna mid uun ku dhisan cabsi gelin iyo balaayo sheeg.

Waxaa kaloo howshoodii gabay warbaahinta iyo joornaalistayaasha Nederland oo aan howliihi loo igmaday ee ku aadan cudurkaan aan shicibka u soo gudbin oo la isku raacay in ay noqdeen caado qaatayaal iyo musuq dilooday kuwooda fiicana ay ka cabasanayaan in shaqadooda ku waayaan.

Cudurka Koroonaha Nederland wuxuu ku dhacay  73,208 qofood,   waxaana u dhintay  6,237 qofood  sida lagu shaaciyey websaaytka la yiraa worldometer.info khamiis 04/09/2020

Xiriir la leh qormadaan

Meet Bill Gates :

 

SOMSB

www.somsb.org

 

 

Warkii oo kooban

Talaalka Koroonaha oo la bilaabay tijaabadiisa: Wax ka ogoow Khamiis: 02/09/2020: Sida lagu faafiyey warbaahinta Nederland waxaa shirkad la yiraa Janssen Vaccines  oo fadhigeedu yahay magalada Leiden ee wadanka Nederland in ay bilowday tijaabinta talaalka Koroonaha oo horay loo hirgelin tijaabadii ugu horeysay ebedna ah. Sii akhriso


3 Magan-galyodoon oo ku dhintay biyo ay dabaasheed aqoon saddexdii bilood la soo dhaafay

Hay ada dhexe ee qaabilaad magangalyodoonka Nederland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (COA) het Centraal Orgaan opvang Asielzoekers ayaa walaac ka muujisay ka dib markii saddex magangalyo doon u yimid Nederland oo ku xaraysnaa xeryaha ay hay ada maamusha biyo ay u rabeen in ay ku dabaashaan iyagoo aan dabaal aqoon. Sii akhriso


Sannadguuradii Xorriyada calan saarka Soomaaliya

1 Luulyo 2020: JSB: Sanadkii 1960 kii oo ahayd xilligii dalkeena Soomaaliya uu ka xorroobay labadii gumeyste ee kalaa ahaa Talyaani iyo Ingiiriiska, waxaa dhacday in habeenkii calanka la saarayey ay ahayd mar jaceylka iyo qiimaha xorriyadda ay qabeen dadkii Soomaaliyeed mid aan la qiyaasi karin xamaasadooda. Sii akhriso


 

 

3 Magan-galyodoon oo ku dhintay biyo saddexdii bilood la soo dhaafay

Hay ada dhexe ee qaabilaad magangalyodoonka Nederland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (COA) het Centraal Orgaan opvang Asielzoekers ayaa walaac ka muujisay ka dib markii saddex magangalyo doon u yimid Nederland oo ku xaraysnaa xeryaha ay hay ada maamusha biyo ay u rabeen in ay ku dabaashaan iyagoo aan dabaal aqoon.

Hay ada ayaa qaylodhaan ku dhufatay soona jeedisay in magangalyo doonka xeryaha ay maamusho ku jira la baro dabaasha si ay naftooda u badbaadiyaan. Hay ada COA iyo hay ado kale oo Nederlandees ah ay iska kaashan doono sidii loo hirgelin lahaa qoraal ku tarjuman luqado kala gedisan oo lagu soo bandhigi doono meelaha u dhow biyo mareenada wabiyada iwm.

 

Digniinaha ku qorana luqadaha kala gedisan ayay hay adaha iska kaashan doonaan laguna soo bandhigi doono boorar loogu digaayo dadka soo galootiga ah in lagu wargeliyo luqadooda khatarta ay leedahay in wabiyada iyo biyo mareenada wadanka kala gedisan, maadaama Nederland uu yahay wadan leh biyo mareeno wabiyo iyo badba.

Wadamo badan oo dadka magangalyo doonka xeryaha qaxootiga loogu talagalay ayaa badankood ka yimid wadamo aan dabaasha qiimo iyo ahmiyad weeyn aysan lahayn.  Luqadaha la sheegay in lagu soo bandhigi doono sida   lagu faafiyey warbaahinta Nederland ay kala yihiin Carabi, Ingiriis, Jarmal iyo Boolish.

 

Luqada afka Soomaaliga lama sheegin in ay ka mid tahay luqadaha Soomaaliga digniinaha khatarta ay leedahay gelida wabiyada,kanaalada iyo badaba iyadoo qofka galaya uusan dabaasha aqoon iyo khataraha kale ee hirarka biyaha  ay keeni karaan haddii uusan qofku ka feejignaan.

Xiriir la leh qormadaan:

Xigasho ilaha warka

  • De Telegraaf.
  • Metro

Baro xarfaha  eray bixin.

Magan galyodoon = asielzoeker

Sannandguurada Calanka iyo xorrriyada Soomaaliya

1 Luulyo 2020: JSB: Sanadkii 1960 kii oo ahayd xilligii dalkeena Soomaaliya uu ka xorroobay labadii gumeyste ee kalaa ahaa Talyaani iyo Ingiiriiska, waxaa dhacday in habeenkii calanka la saarayey ay ahayd mar jaceylka iyo qiimaha xorriyadda ay qabeen dadkii Soomaaliyeed mid aan la qiyaasi karin xamaasadooda.  Taariikhdu  markii ay 26-June-1960.kii waxaa diiwaanka galay Gabaygii caanka noqday ee uu tiriyay Allaha U Nxariistee  Abwaan Cabdulaahi Suldaan Timo Cadde magaciisuna ahaa ‘Kaana Siib, Kanna Saar’ oo ula jeeday in la dajiyo calankii Ingiriiska oo la saaro Calanka Soomaaliya; gabeyga oo mirrihiisa.

Soomaaliya Ha Noolaato

Kulanka ururada Soomaalida Nederland online ZOOM ku kulmay fiirso/daawo iyagoo xusayo sannadguurada xorriyada markay Soomaaliya xorriyadeeda qaadatay

 

Gepostet von Fsan Fsan am Mittwoch, 1. Juli 2020


Waa mid mudan in la xusuusto in dad badan oo Soomaaliyeed ay dadaal dheer  iyo dhiig u soo daadiyeen sidii dadka iyo dalka Soomaaliya cisada iyo sharaftooda iyo xaqooda u heli lahaayeen.  Soomaaliya waa wadan leh baaxad weeyn oo leh khayraadka qaybihiisa kala gedisan oo isugu jira xoolo nool, duurjoog noocyaheeda kala gedisan, haadka duula, halaqa xamaarta, badda ugu dheer qaarada Afrika.

Nasiibdaro dad khani ah oo laga dhaadhiciyey in ay fakhri yihiin hadana aaminsan in ay fakhri yihiin, taasoo xaqiiqda ka fog, laakiin u baahan sidii dadka loo wacyigelin lahaa qaasatan dhalinyarada meelkastooy joogto dalka gudihiisa iyo kuwa dibada ku sugan dhamaantood.  Dhalinyarooy dal aan ahayn Soomaaliya ma lihidiin kuwii manaafici lahaana waa idinka gudaha iyo dibada dalka. Waxaad sharaf iyo ciso ku leedihiin dalkiina.

Dhalinyarada dibada u helay nasiibka in ay yimaadaan waxaan kula talin lahaa in ay ku dadaalaan sidii ay aqoontooda u kordhisan lahaayeen qaasatan qaybaha soo socda:-

  • Caafimaadka
  • Dhismaha iyo injineeriyada
  • Maaraynta biyaha
  • Beeeraha
  • Dhakhasahda xoolaha nool
  • Dalxiiska

Si aad wax u barato isku day in luqada wadanka aad joogto waa furihii albaab kasta aad ku furan lahayd ama shaqo ama waxbarasho in aad meelsaarto. Dhalinyarada waa in ay iskaashadaan iskana warqabaan oo ay kala warqataan noqdaan xog wadaag.

Dhul aan dhulkaaga hooyo ahayn waa dareen ku joog.

Qoraalka wuu socdaa ……………………………………..

1 Luulyo 2020

 

Soomaaliya Ha Noolaato

Haddii markaad akhrisatay qoraalka su’aal qabto halkaan nagala soo xiriira

Jaaliyada Soomaalida Bareeda

www.somsb.org