Ogeysiis la xiriira cudurka Koroona-fayras

Waxaa la ogeysiinayaa Jaaliyada Soomaaliada magaalada Bareeda  in bandoowga ay dowlada Nederland kusoo rogtay wadanka Nederland guud ahaan la xiriira cudurka Karoonaha ee loo yaqaan COVID 19 la xiray dhamaan xarumaha ay dadka isugu yimaadaan sida iskoolada, xarumaha lagu cibaadaysto sida kaniisadaha iyo masaajidada lana armray in dadka ku dhaqan wadanka Nederland guud ahaan ay isu jirsadaan markay meel isugu yimaadaan 2 mitir.  Cudurka ayaa ah cudur dilaa ah oo ka mid ah cudurada sida fudud u fida taasoo keentay in dowlada Nederland ay qaraar adag qaadato si nabadgelyada iyo caafimaadka bulshada Nederland  loo illaaliyo.  Saamayn weeyn ayay ku yeelatay nolosha dadka oo dhan.  Tani waxay keentay in aan xirno xarunteenii illaa amar danbe.

Waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa wixii talo ah oo aan isleenahay waa wax ku ool.  Talooyinka aan halkaan idiinku soo bandhigayno waa kuwa aan isleenahay jaaliyada faaiido ayay u leeyihiin. Cudurkaan wali daawo ma leh inta hadda la ogyahay sida ay sheegeen culumada ku shaqada leh oo iyaga laftigood aan aqoon sidaa usii weeyn u lahayn maadaama sida la sheegay uu yahay cudur cusub oo uu keeno Fayras(Virus) oo illu ma aragto ah oo lagu arki karo oo kaliya maykaraskoobka shaybaarada cudurada lagu baaro.

Calaamadaha lagu garto in cudurka Koroona-fayras ku haayo

1- Dhuun cun cun
2- Dhuun qalal
3- Qufuc qalalan
4- Qandho/xumad sarre
5- Neef tuur
6- Urta oo kaa dhunto waxba kuu urayn

Maadaam uusan daawo lahayn cudurka Karoonaha ayaa waxaa la sheegay in la isku daawaynkaro

  • Liin dhanaanta iyo biyo diiran lagu daro
  • Fitamiin C
  • Fitamiin D
  • Zink
  • Basasha
  • Toonta ku dar biyo diiran oo cab
  • Jiinjarka

Biyo kulaylso ka dibna qiiqa biyaha inta dusha shukumaan/maro isku saarto mudo 5/6 daqiiqo ah hakugu baxo uumitada biyaha kulul. Waa haddii aad isku argto caburan si aad u furto xubnahaaga aaryada waa laga maarmaan in aad samayso.

Ku dadaal in aad caabiga jirkaaga kordhiso. Nasasho kugu filan waa inaad hesho sida hurdada oo aad hesho 7/8 saacadood. Ha dhafrin. Cun cuno nuxur leh. Haddii aad jirkaaga nuxriso waxaa kuugu xiga maxaa nafta lagu nuxriyaa. Nafta Waxaa lagu nuxriyaa Dikriga Illaahay. Alle kor ahaayee.

Tallooyinka aan ku siinayno waa kuwa wax ku ool ah inkastoo aanan ahayn dhakhaatiir, balse xitaa dhakhaatiirta hadda ma hayaan tacaal iyo daawo midnaba.

 

 

 

 

 

Jaaliyada Soomaalida Bareeda

www.somsb.org