1 Luulyo 2020: JSB: Sanadkii 1960 kii oo ahayd xilligii dalkeena Soomaaliya uu ka xorroobay labadii gumeyste ee kalaa ahaa Talyaani iyo Ingiiriiska, waxaa dhacday in habeenkii calanka la saarayey ay ahayd mar jaceylka iyo qiimaha xorriyadda ay qabeen dadkii Soomaaliyeed mid aan la qiyaasi karin xamaasadooda. Taariikhdu markii ay 26-June-1960.kii waxaa diiwaanka galay Gabaygii caanka noqday ee uu tiriyay Allaha U Nxariistee Abwaan Cabdulaahi Suldaan Timo Cadde magaciisuna ahaa ‘Kaana Siib, Kanna Saar’ oo ula jeeday in la dajiyo calankii Ingiriiska oo la saaro Calanka Soomaaliya; gabeyga oo mirrihiisa.
Soomaaliya Ha Noolaato
Kulanka ururada Soomaalida Nederland online ZOOM ku kulmay fiirso/daawo iyagoo xusayo sannadguurada xorriyada markay Soomaaliya xorriyadeeda qaadatay
Gepostet von Fsan Fsan am Mittwoch, 1. Juli 2020
Waa mid mudan in la xusuusto in dad badan oo Soomaaliyeed ay dadaal dheer iyo dhiig u soo daadiyeen sidii dadka iyo dalka Soomaaliya cisada iyo sharaftooda iyo xaqooda u heli lahaayeen. Soomaaliya waa wadan leh baaxad weeyn oo leh khayraadka qaybihiisa kala gedisan oo isugu jira xoolo nool, duurjoog noocyaheeda kala gedisan, haadka duula, halaqa xamaarta, badda ugu dheer qaarada Afrika.
Nasiibdaro dad khani ah oo laga dhaadhiciyey in ay fakhri yihiin hadana aaminsan in ay fakhri yihiin, taasoo xaqiiqda ka fog, laakiin u baahan sidii dadka loo wacyigelin lahaa qaasatan dhalinyarada meelkastooy joogto dalka gudihiisa iyo kuwa dibada ku sugan dhamaantood. Dhalinyarooy dal aan ahayn Soomaaliya ma lihidiin kuwii manaafici lahaana waa idinka gudaha iyo dibada dalka. Waxaad sharaf iyo ciso ku leedihiin dalkiina.
Dhalinyarada dibada u helay nasiibka in ay yimaadaan waxaan kula talin lahaa in ay ku dadaalaan sidii ay aqoontooda u kordhisan lahaayeen qaasatan qaybaha soo socda:-
- Caafimaadka
- Dhismaha iyo injineeriyada
- Maaraynta biyaha
- Beeeraha
- Dhakhasahda xoolaha nool
- Dalxiiska
Si aad wax u barato isku day in luqada wadanka aad joogto waa furihii albaab kasta aad ku furan lahayd ama shaqo ama waxbarasho in aad meelsaarto. Dhalinyarada waa in ay iskaashadaan iskana warqabaan oo ay kala warqataan noqdaan xog wadaag.
Dhul aan dhulkaaga hooyo ahayn waa dareen ku joog.
Qoraalka wuu socdaa ……………………………………..
1 Luulyo 2020
Soomaaliya Ha Noolaato
Haddii markaad akhrisatay qoraalka su’aal qabto halkaan nagala soo xiriira
Jaaliyada Soomaalida Bareeda
www.somsb.org