Waxaa hubaal in far kaliya aysan fool dhaqin, waa maah maah Soomaaliyeed mudana in looga faaiideysto in si wadajir iyo midnimo ku jirto loogu midoobo danta guud iyadoon cidkale aan wax laga sugin Alle kor ahaayee maahane, Dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan wadanka Nederland gaar ahaan magaalada Bareeda waxaa bishaaro u ah in ay ka qaybqaataan loona kala deg dego kheeyrka wanaag is farka iyo kheeyr isu rajaynta si ay kuugu anfacdo adduunka iyo aakhirada loo socdo.  Somaalida ceelna uma qodna cidna uma maqna, Si baahiyooyinka jira loo wada daboolo waxay mudantahay in ay lagama maarmaan tahay in la maalgeliyo dhalinta berito. Taageer dhaqaale ahaan halkaan ka bixi

Waxaa bishaaro u ah jaaliyada Soomaalida Bareeda in ay yeelatay meel ama xarun  ay ku illaashan karaan diintooda iyo dhaqankooda taasoo aan fiirsan kartaan fiidiyowga hoose oo lacagto sadaqo ah loogu uruurinaayo xaruntaan.  Waxaa hadda wax ku dhigta 75 carruur ah. Marka walaalayaal kheeyrkaan ka qayb qaata idinkoo isticmaalaya si toos ah in aad ugu bixiso online  halkaan riix wixii aad doonto bixi intay doontaba ha la ekaatee.

Somalische Stichting Breda
Cultuur Centrum (S.S.B)
Bank: IBAN: NL74INGB0006837770